Saturday, May 9, 2015

Nabadda iyo wada noolaanshaha yay dan u tahay ?


    waxaad doonto samee, meshaad doonto aad, dhibka aad is leedahay waad ku dhex jirtaa ka fogow oo ka haajir (isagaba tag dhammaanteed) haddaad doonto, ma is weydiisay waxad ka fogaatay oo dhan inay idlaadeen iyo in kale?

     wax joogto ah ma jiraan dunidaan beenleyda ah ee aanu ku dul nool nahay, xataa dhibaatooyinka aanu ka cabanayno.!

      shan iyo labaatan sanadood ayaanu la'nahay nabaddii aanu ku soo barbaarnay oo raaxada iyo neecawda badnayd. nabad la'aantas waxaa keenay fikir ka imid dad rabay inay wax beddelaan ayagoon ka fiirsan. si kastaba ha ahaatee, wax walba waa ay is beddeleen. dadkii aqoonta u lahaa dowladnimada sacabbada ayay dhabanka saareen. Si kastaba ha ahaatee maanta waxaa la joogaa xilli la is yara maqli karo oo wax la isu sheegi karo si looga wada hadlo wax walba oo lagu gaari karo nabad. AAN WADA HADALNO WAA AAN HESHIINO. Intii uu degaan ka dhaxeeyaba haddii intay isu yimaadaan oo ka hadlaan waxa u dan ah, waxay gaari karaan heer ay si fudud uga gudbaan dhibaato kasta oo jiri karta dhexdooda iyo degaanka ay ku nool yihiin intaba/
    Noole kasta si uu u noolaado wuxuu u baahan yahay marka ugu horeyso degaan nabadeed taasoo ka iman karta wada tashi dhex mara bulshada uu kula nool yahay degaanka. taasna waxay keeni kartaa wada noolaansho iyo isku xirnaan joogto ah.

Nabadda iyo wada noolaansha waxay dan u tahay bulsho kasta oo hal degaan iskula nool.

  sidee ku iman kartaa nabad ku wada noolaanshaha? haddii bulshada halka degaan ku wada dhaqan ay isu yimaadaan kana wada hadlaan danahooda maxsuulka wuxuu noqonayaa wax dan u ah bulshadaas waxaan meesha ka baxaaya xumaan kasta oo jirtay.
         
            kulan   +   wada hadal  +  gorfayn   =   is-faham  +  wanaag  +  nabad ku wada noolaansho.

qof kasta oo qaangaar ah ayay waajib ku tahay ka shaqaynta nabadda, dhibaato kasta oo ku haysata joogto kuguma ahaanayso haddii aad u dhaqaaqdid xallinteeda. qofna ha ka sugin adiga naf ahaantaada faraha la gal meel kasta ee aad ku sugan tahay.

NOTHING IS PERMANENT IN THIS WICKED WORLD, NOT EVEN OUR TROUBLES. (Charlie Chaplin)

                                  NABADDA HA LOO OLOLEEYO

                                          By. Dr. Cabdulraxiim Cali Yuusuf